QIRASHADA IIMAANKA

Waxaan rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah 
Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka, 
Iyo Ciise Masiix, oo ah Inankiisa madigaa, 
Inuu yahay Sayidkeenna, 
In Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay, 
Oo uu ka dhashay Maryan oo bikraa, 
Oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos, 
Oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu dhintay, 
Oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday, 
Oo samada aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigtaa 
Oo Ilaah Aabbaha Qaadirkaa; 
Oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 
Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuskaa, 
Kiniisadda Ciise Masiix oo caalamigaa, ururka awliyada, cafiga dembiga, 
Sarakicidda jirka, iyo nolosha daa'imiskaa. 
Aammiin.