Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.

SABUURRADII 127


Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.

SABUURRADII 128


Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso, Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh. Rabbiga ammaana.

SABUURRADII 113


21 Isxaaqna naagtiisuu Rabbiga u baryay, maxaa yeelay, madhalays bay ahayd, Rabbiguna waa ka aqbalay, markaasay naagtiisii Rebeqah uuraysatay.

BILOWGII 25